Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Xubno la socda oo u ambo baxay magaalada Kismaayo

Guddomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo xubno kale oo guddigaasi katirsan ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Xubnahan katirsan guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federaal ayaa ujeedka ay u aadeen magaalada Kismaayo lagu sheegay in ay goob joog ka noqdaan doorashada Aqalka sare ee lagu wado in Kismaayo ka bilaabato.

Magaalada Kismaayo waxaa horey ugu sugnaa Guddomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro iyo xubno kale oo guddigaas katirsan kuwaa oo iyana goobjoog ka noqon doona doorashada aqalka sare ee Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee qabta doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, waxaana la filayaa in doorashada Aqalka sare Kismaayo ka bilaabato beri oo ku beegan 29-ka bisha July.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -