Shacabka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo waxa uu ka qabo Dastuurka dalka !!

Waxa aan jeclaaday inaan maanta halkan idin kula wadaago qodob ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Qodobkaas  oo ah “Qodobka 8 aad, gaar ahaan farqadiisa 3aad iyo 4aad”, isla markaana ku suntan Shacabka iyo Jinsiyadda.
Qodobkaas ku suntan shacabka iyo Jinsiyadda waxa uu sheegayaa 3aad sidan: qofka leh Jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo Jinsiyadda Soomaaliyeed,  xataa hadduu qaato Jinsiyadda dal kale. Sidoo kalena farqadiisa 4aad waxa ay sheegaysa sidan: diidmada, laalista iyo ka qaadista Jinsiyadda Soomaaliyeed laguma xidhi karo asbaabo siyaasadeed.
Haddaba Aniga oo ka duulaaya hoggaanka iyo sharafta dalka Soomaaliyeed,  waxa aan soo jeedin lahaa in shaqada socota ee dib  loogu  qorayo ama lagu haggaajinayo dastuurka dalka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, sidoo kalena wax lagaga bedelayo qaab-dhismeedka dawladda Soomaaliya,  si looga baxo dastuurka ku meel gaadhka ah, loona gudbo dastuur dhamaystiran oo dalka lagu maamulo, isla markaana si qoto-dheer u sharaxaaya habka (FEDERALISM) ee ay dawladda Soomaaliya qaadatay in dalka iyo dadkaba lagu maamulo.
Waxa aan soo jeedin lahaa in qabyo-tirka dastuurka dalka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya lagu daro qodob sheegaya ama  sharaxaya, sidoo kale qabanaya qofka raba inuu dalkan hoggaamintiisa ka mid noqdo. ka mid noqda markaan leeyahay; waa qof kaste oo muwaadin Soomaaliyeed ah, rabana inuu ummaddan iyo dalkanba uu Mas’uuliyadda qayb ka mid ah inuu dalkan hoggaamiyo Agaasime ilaa heer Madaxwayne .
Waa in dastuurka dalka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya dhamaystirkiisa lagu daraa qodob sheegaya nooca uu yahay qofka qabanaya xilka ummaddan Soomaaliyeed Agaasime ilaa Madaxwayne. Isla markaana lagu faahfaahiyaa  qodobkan iyo faai’dooyinka waxtarka leh ee uu dalkan iyo dadkan u leeyahay.
Qodobkaas anigu rayigayga waxa aan ugu magac dari lahaa; Qodobka Hoggaanka iyo Sharafta ee Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, qodobkaas oo sheegaya in qofka raba inuu dalkan maamulkiisa qayb ka noqdaa uu ahaado/ahaato ugu horayn muwaadin Soomaaliyeed, marka labaad waa inaanu haysan dhalasho labaad (Dual Citizen) ama waxa loo yaqaano Aqoonsi dal labaad oo aan dalka Soomaaliya ahayn (Foreign Passport), iyo wixii kale ee intaa dheer ee looga baahan karo qofka doonaya inuu ummaddan shaqo dawladeed u qabto .
Taas bedelkeeda waa in qof kaste oo haysta/haysata dhalasho labaad  ( Dual Citizen) hadduu doono Soomaaliya ha u dhasho asal ahaane aanu dalkan iyo dadkan Soomaaliyeed aanu xil dawladeed u qaban, sidoo kalena waa in qof aan muwaadin ahayni dalkan iyo dadkan Soomaaliyeed aanu xil dawladeed u qaban.
Waayo waxa aan sidan u leeyahay qofka laba waddan ka haysta dhalasho, waxa uu u dhaartay laba waddan dastuurkood mana noqon karo qofkaasi qof labadan waddanba daacad u wada noqon kara, ama si siman ugu wada shaqayn kara, lknse taa beddelkeeda mid uun buu daacad u noqonayaa.
Halkaasi waa halka ay dawladnimada Soomaaliya ka sal dhigan la’dahay. Waayo dadka Soomaalida xilalka dawladda u haya 50% waxa ay haystaan dhalasho labaad oo waddan kale ah, marka la eego agaasime ilaa madaxwayne. Sida waddamada reer galbeedka, aasiya iyo qaar kaloo badan.
Waddan kasta oo dunidan guudkeeda saaran waxa uu leeyahay dastuur iyo qawaaniin kala hagta oo ay ku kala danbeeyaan una ilaaliyaan sida ay u dhigteen ee ay ugu heshiiyeen in ay kula baydh baydhaan kuna ilaaliyaan danahooda. Inta ogaalkay ah ma jiro waddan dunida ka jira oo mansabyada waawayn sida: Agaasime guud, Gudoomiye haay’adeed, Xildhibaan, Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo ilaa heer madaxwayne u dhiibta xilalkooda qof haysta dhalasho labaad.
Fiiro gaar ah: ma jirto ujeeddo aan ka leeyahay oo aan ka ahayn badbaadinta iyo sama-tabixinta dalkeena hooyo.
W/Q: Mukhtaar Mohamed. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -