Mareykanka oo Dhibane u noqday Weerar dhinaca Internetka iyo Biden oo afka furtay

Weerarada dhinaca Internetka ee lagu qaadayo shirkadaha Mareykanka ayaa sii kordhay, waxa ayna weeraradaasi ka careesiiyeen Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Joe Biden oo digniin u diray dowladaha Ruushka iyo Shiinaha.

Koox burcad dhinaca Internetka oo la tuhmayo in saldhig u yahay dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa weeraradii u dambeeyay ku qaaday Shirkadaha Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Onlineka ku shaqeeya ee SolarWinds, Colonial Pipeline, JBS, Kaseya & kuwo kale.

Burcada Internetka ayaana ku guuleesatay in ay xayiraan qaybta adeeg dalbashada tooska ah ee shirkadahaasi, waxa ayna  taasi sababtay in qiimo koror ku yimaado Shidaalka & Hilibka gudaha Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Joe Biden, ayaa sheegay in dowladiisa indhaha ka qabsan doonin weerarada dhinaca Internetka ee lagu hayo, waxa uuna ku hanjabay in dowladiisa qaadi doonto talaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah arintan.

Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka awood u leeyahay in ay kahor tagaan weerarada burcada Internetka sidoo kale kadaba tagaan, waxa uuna digniin adag u diray burcada Internetka ee fadhigoodu yahay Shiinaha iyo Ruushka.

Dowlada Mareykanka ayaa inta badan weerarada dhinaca internetka ee lagu soo qaado ku eedeysa burcad xiriir la leh dowladaha Ruushka iyo Shiinaha, hasa ahaatee labadan dowladood ayaa inta badan beeniya eedeemeymaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -