Ciidamada Danab & kuwo Maraykan ah oo ku degay xero lagu tababarayey Al-Shabaab (Ka dib Maxaa dhacay)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumandoska Somalia (DANAB) oo gacan ka helaya kuwa Maraykanka ayaa weerar nooc cusub ah ka fuliyey degaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Weerarkan oo bilowday xalay 2:00 saq dhexe ee habeenimo illaa saaka waaberigii ayaa lagu qaaday degaanka Jameeco Jilyaale oo illaa 50km u jira magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.

Ciidamada Kumandoska oo watay gaadiid gaashaaman dhinaca cirkana ay ka taageerayaan kuwa Maraykanka ayaa si toos ah u  beegsaday xero lagu tababaro xoogaga Al-shabaab oo ku taalla degaanka, iyadoo halkaas uu ka dhacay isla horimaad aan sidaa u xooganeyn sida dadku degaanku sheegeen.

Warka ayaa intaa ku daraya in ciidamada dowlada ay qabsadeen xeradaas ayna halkaas ku dileen shan ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab oo uu ku jiray sarkaalkii xukumayey xeradaas.

Sidoo kale ciidamada ayaa halkaas ku dilay qaar ka mid ah dagaalyahano xeradaas lagu tababarayey oo markii hore ay nolol ku qabteen, iyagoo sidoo kale indhaha iyo gacmaha ka xiray kuwii kale oo ay nolosha ku wateen, waxayna la aadeen xerada Bali-doogle ee gobolka Sh/hoose oo markii hore ay weerarka ka soo qaadeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay dab qabadsiiyeen guri uu halkaas ku lahaa sarkaalka Al-shabaab ee ay dileen ka hor inta aysan degaankaas isaga bixin saaka waaberigii.

Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in xeradan ay aheyd mid weyn oo Al-shabaab ay muddo lix bilood ah dhalinyaro badan ku tababarayeen.

Wararkiii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab aysan weli halkaas imaanin ayna weli xerada dhex daadsan yihiin meydadka dagaalyahanadii halkaas lagu lagu dilay oo uu ku jiro taliyihii xeradaas.

Dad fara badan oo ku dhaqan tuulooyinka ku dhow tuulada uu xalay weerarku ka dhacay ayaa bilaabay iney ka cararaan guryahyooda iyagoo ka baqaya in Al-shabaab ay dhibaato kala kulmaan iyagoo ku eedeeynaya iney basaasiin yihiin.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kumandoska ayaa horey u duqeyn jiray xeryaha lagu tababaro Al-Shabaab, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu horeeyey ciidamo hubeysan ay toos ugu galaan xeryaha Al-Shabaab.

Sidoo kale, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ciidamada Maraykanka iyo kuwa kumandoska Somalia ka fuliyaan gobolka Sh/dhexe.

Ciidamadan oo badanaa weeraradooda ka fulin jiray gobolada Sh/dhexe iyo jubooyinka ayaa hadda u muuqda iney balaarinayaan weeraradooda iyagoo daba socda Al-shabaab ka soo qaxay goobihii ay horey u weerari jireen oo u soo wareegay gobolo uu ka mid yahay Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -