Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Howlaha Dowladda Maraykanka oo Dib loo Furay iyo Trump oo heshiis saxiixay

Waxaa mudo kadib dib u furmay  hawlihii shaqo ee dawladda Maraykanka oo hakad ku jiray mudo todobaadyo, waxaana talaabadan si weyn usoo dhaweeyay Boqolaal kun oo dad ah oo saameyn badan ku yeelatay Hakadka howlaha dowlada.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xalay saxiixay heshiis ogolaanaya in mudo sadex isbuuc ah dib loo furo hawlihii shaqo ee dawladda Maraykanka ee mudada hakadka ku jiray.

Heshiiskan cusub uu saxiixay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa fursad u siinaysa shaqaalaha dowladda Mareykanka ee uu hakadku saameeyay inay dib u helaan mushaharkoodii iyo gunadii ka maqneyd.

Madaxweyne Trump ayaa diiday in uu saxiixo miisaaniyada dowlada Mareykanka ee sanadka 2019-ka, waxa uuna codsaday in miisaaniyada lagu daro lacag balaayiin Dollar ah uu doonayo in uu ku dhiso darbi kala xiraya Mareykanka iyo Mexcio.

Shaqada dowlada Mareykanka ayaa gashay hakadkii ugu dheeraa taariikhda, waxaana heshiiskan cusub uu saxiixay Madaxweyne Trump fasaxayaa in shaqada socoto ilaa 15-ka bisha Febraayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maleeshiyaad la wareegay dhul dowladda ka burburisay dadkii deganaa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar Gaadmo ah ku dishay askar katirsan ciidanka dowladda

Cabdi Cade

Ogow Sababta Dowlada Farmaajo ku diidan tahay in ay la tashato Dowlad Goboleedyada !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---