Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmo xeebeedka Cadale (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Xeebeedka taariikhiga ah ee Cadale.

Madaxweynaha iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ayaa isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada cadale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.

Lama oga ujeedada safarka Cali Guudlaawe ku tagay degmada Cadale, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu la xiriiro xalinta khilaafaad u dhexeeya beelaha degaanka oo halkaas ka taagnaa mudooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 4 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin

DFS oo ka digtay Faafinta been abuurka iyo dacaayadaha Al Shabaab

Cabdi Cade

Guddooomiyah Gobolka Hiiraan oo Dowladda ugu baaqay in tallaabo adag ka qaado labo taliye Ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---