(Sawirro) Kooxda K/Cagta Elman oo markii ugu horeysay taariikhda u laabatay (Serie B)

Kooxda Kubadda Cagta Elman oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay taariikhda ka hartay horyaalka koowaad ee Dalka

Kooxda Elman ayaa ka mid ahayd kooxaha ugu guulaha badan ee Horyaalka dalkeenna, magacana ku leh ciyaaraha Somalia

Kulankii ugu dambeeyey oo ah mid lagu kala saarayay, Elman iyo Jeenyo cidda u laabaneyso horyaalka heerka labaad ee dalka ayaa ka dhacay galabta tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, waxaana cayaartii maanta u soo daawasho tegeen dadweyne aad u fara badan oo ka kaal yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay bar bardhac 1-1, waxaana cayaarta qeybtii labaad marka la isku soo laabtay ay labada koox sameeyeen weerar iyo weerar celis oo ay labada dhinacba ku abuureen fursado dahabi ah oo ay goolal ku keeni kareen, balse ugu dambeyn Kooxda Jeenyo ayaa la timid gool taasi oo cayaarta ka dhigtay 2-1 oo ay guusha ku hogaamineysay Jeenyo.

Guud ahaan cayaaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Jeenyo, halka Kooxda Elman ay u laabatay kooxaha heerka labaad (Serie B)

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -