Rasaas wali ka dhax socota Hotelka Dusit iyo ciidamada Kenya oo galay dhismaha Hotelka

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in wali rasaas xoogan ay ka socoto dhismaha Hotelka DusitD2 oo kuyaala degmada Westland ee magaalada Nairobi.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa in ay gudaha u galeen qeybo badan oo kamid ah dhismaha Hotelka, waxa ayna ciidamadan la dagaalamayaan  afar dagaalyahan oo gudaha ugu jira Hotelka.

Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinett ayaa sheegaya in qof isku soo xiray Waxyaabaha qarxa uu hoteelka ka soo galay albaabka, sidaana ay ugu fududaatay in ragga hubeysan ay gudaha u galaan dhismaha hotelka.

Joseph Boinett ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay la wareegeen inta badan dhismaha hotelka DusitD2, waxa uuna taliyaha sheegay in dagaalyahanada hubeesan ka dagaalamayaan dabaqa 7-aad ee Hotelka.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaysa in ku dhawaad 5-qof ku dhinteen weerarka wali ka socda magaalada Nairobi, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho maadaama ay jiraan dad lagu dhax dilay gudaha hotelka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka wali ka socda magaalada Nairobi, waxa ay sheegeen Shabaab in weerarkan ka dhasheen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -