Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Baydhabo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamnulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la filayo in saacadaha soo aadan uu ka furmo Shirka Amniga Qaranka ay yeelanayaan Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Magalaada Baydhabo waxaa hada ku sugan Madaxweynhe Farmaajo ,Ra’isul Wasaaare Kheyre iyo inta badan Madaxda maamul goboleedyada, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Baydhabo inta uu shirka socdo,

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talaalka Caronavirus oo la joojiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo dhibaato kasoo gaartay

Cabdi Cade

Meydadka 12 caruur lagu qariyey kartoon oo laga helay xarun Isbitaal (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---