Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wado Shacabka maristeeda Dhib ku qabeen oo la dhisay Xarigana laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha lagu sameeyay wadada Laamiga ee hormarta Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.
 
Wadadaan oo aheyd mid bur-bur ku yimid isla markaana dhibaato xoogan oo dhanka isku socodka ah ay ku qabeen shacabka ayaa muddo kooban lagu dhisay iyadoo laga jawaabayo cabashada Shacabka.
 
Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Dhismaha lagu sameeyay Wadadaan Laamiga ah isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen Bilicda iyo Nadaafada.
 
Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa horey u fuliyay Mashaariicyo badan oo dib u dhis loogu sameenayo wadooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho si ay shacabka ugu fududaato isu socodka isla markaana kaabayaasha dhaqaalaha uu dib usoo laabto. Iyadoona Qorshahaan uu qeyb ka yahay Horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiyada UPD iyo AK Party oo kala saxiixday heshiis xasaasi ah

Caydiid Ali

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukunno adag ku riday koox Burcad-badeed ah

Cabdi Cade

Nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Muuse Biixi oo xukun lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---