Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka sare, kana reebay.. (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska Tartamiyaasha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya maamulkiisa.

Liiska ayaa ka kooban oo illaa musharax oo ayku jiraan afar dumar ah, kuwaasoo ku tartami doono shan kursi.

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senatar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa laga saaray Liiska tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare.

Dhinaca kale, Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada, waxayna sheegeen in doorashada shanta kursi ee la shaaciyey ay dhici doonta 2-da bisha August, iyadoo diiwaangelinta ay dhaceyso 1-da August.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor-qoor & xubno ka tirsan Wasiiradiisa oo galabta booqday xeebta Hobyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo mar kale ka hadlay kiiska Ikran Tahliil amar cusubna siiyay Maxkamada Ciidamada

Cabdi Cade

Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---