Dagaal ka soo cusboonaaday Soomaalida & Oromada Itoobiya & khasaare xoog leh oo ka dhashay

Dagaal u dhaxeeya Beelo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada Itooiya, ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 60 Km waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.

Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay degaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.

Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -