Xildhibaanad Soomaali ah oo Ilaaladeeda gaarka ah ka dhigatay Haween asturan ( Sawirro)

Warbaahinta dalka Kenya iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa Xildhibaanad Soomaali ah oo katirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo ilaaladeeda gaarka ah ka dhigatay haween asturan.

Xildhibaan Canab Suboow Guure,oo laga soo doortay magaalada Gaarisa ayaa soo bandhigtay labo haween ah oo ah ilaaladeeda gaar ah kuwaa oo ku hubeesan qoryaha loo yaqaan AK-47.

Labada haween ee ilaalada u ah Xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ah haween tababaran kuwaa oo sita qoryo iyo rasaas badan, waxa ayna si gaar ah ula socdaan xildhibaanadan oo sugaan amaankeeda.

Wareysi ay bixisay Xildhibaan Canab Suboow Guure, ayey ku sheegtay in ay door biday in ilaaladeeda gaarka ah ka dhigato haween, waxa ayna xustay in haweenku qaban karaan shaqada raga oo kale iyo mid kasii fiican.

“Waxaan door biday inaan dumar ka dhigto ciidanka sugaya amnigayga. Waxaan aaminsanahay in gabdhaha ay qaban karaan shaqo ka fiican midda ragga.”ayey tiri Xildhibaan Canab Suubow.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in gabdhahan ilaalada u ah ay mar walbo la joogaan ayna ilaaliyaan nafteeda, waxa ayna xustay in ay ku faraxsan tahay in gabdho asturan ilaalo ka dhigato kuna kalsoon tahay.

Baraha bulshada dalka Kenya ayaana si weyn looga hadal hayaa gabdhahan ilaalada gaar ah u ah Xildhibaanadan katirsan Baarlamannka Kenya, waxa ayna dad badan soo xasuusteen Madaxweynihii hore ee Liibiya Qadaafi oo ilaalo u ahaan jireen gabdho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -