Dad boob ka waday dalka Koonfur Afrika oo is buurtay iyo Dhimasho badan oo ka dhalatay

Magaalooyin iyo deegaano badan oo katirsan dalka Koonfur Afrika waxaa ka socda rabshado ay sameenayaan dad taageersan Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ee Jocob Zuma oo dhawaan xabsiga la dhigay.

Dadka rabshadaha wada ayaa boobaya dukaamada iyo goobaha ganacsi ee kuyaala magaalooyinka iyo deegaanada ay ka socdaan rabshadaha, waxa ayna cagta mariyeen goobo badan oo ganacsi ay lahaayeen ajaaniib iyo ganacsato dalkaasi u dhalatay.

Warbaahinta Koonfur Afrika ayaa ku warameysa in dad boob ka geesanayay goobo ganacsi oo kuyaala xaafada Soweto ee katirsan Johenseburg in ay is buurteen , waxaana isbuurashadaasi ku dhintay dad gaaraya 10-qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

Tirada dadka ku dhintay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ayaa hada dhaaftay ilaa 70-qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan rabshadaha dalkaasi ka socda ee galaaftay nolosha iyo hantida dad badan oo dalkaasi u dhashay iyo kuwa ganacsi u tagay.

Rabshadaha iyo boobka xoogiisa ayaa hada ka socda gobolada Kwazulu Natal iyo Gouteng, waxaana labadaasi gobol ku badan qowmiyada Zuku uu kasoo jeedo Jocob Zuma, waxaana rabsfaha qeyb ka ah burcad ka faa’iideesaneysa rabshadaha oo ganacsiyada boobaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -