Dowlada Somalia oo walaac ka muujisay rabshadaha & boobka ka socda dalka Koonfur Afrika

Dowlada Somalia ayaa walaac weyn ka muujisay rabshadaha, dhaca iyo boobka ka socda dalka Koonfur Afrika oo lagu diley dad badan oo ay ku jiraan 4 Soomaali ah.

“Somalia waxay Dowladda South Africa ugu baaqaysaa inay dedaal oo dhan iskugu gayso ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed si loo badbaadiyo naftooda, xoolohooda iyo xuquuqdooda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Somalia ay horey abaal ugu gashay shacabka dalka Koonfur Afrika, xiligii ay ku jireen halganka la dagaalanka midabtakoorka ayna fileyso in la badbaadiyo Soomaalida halkaas ku dhaqan.

“Somalia waxay ku faanaysaa xiriirka soo jireenka ah ee ay la leedahay South Africa oo ay xilligii halganka u fidisey taageero dhaqaale, siyaasad iyo istaraatijiyad.” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Ugu yaraan 45 qof oo ay ku jiraan afar Soomaali ah ayaa ku dhimatay rabashadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ee ka dhashay xabsi u taxaabidda Madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH KU QORAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -