Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Qaabilay Dhalinyaro Dalxiis u tagtay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah dhalinyarada aqoonyahanka Soomaaliyeed oo Magaalada Kismaayo tagay.

Dhalinyaradan aqoonyahanada uu qaabilay Madaxweynaha Jubbaland oo ka kala tagay Muqdisho iyo meelo kale ayaa magaalada Kismaayo u tagay dalxiis halku dhagiisu yahay “kaalay Kismaayo soo arag”,

Madaxweynaha Jubbaland ayaana uga mahad celiyay dhalinyaradan aqoonyahanada dalxiiska ee Kismaayo ku yimaadeen, waxa uuna tilmaamay in Kismaayo tahay magaalo dalxiis oo nabad ah ayna imaan karaan cid kasta.

Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda ayaa waxaa kuyaala goobo dalxiis oo dadka soo jiita lana ageeyo marka ay tagaan magaaladaasi, waxaana kamid ah deegaanka Goobweyn ee kuyaala duleedka Kismaayo iyo goobo kale ay kamid yihiin dhulka xeebta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo caawa Goobjoog ka noqday Doorasho ka dhacday degmada Eyl (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Nin dil geystay 40 sano ka hor oo ugu dambeyn gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---