Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Nin dil geystay 40 sano ka hor oo ugu dambeyn gacanta lagu dhigay

Booliska Mareykanka ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu geystay fal dil ah kadib 40 sano oo uu ku jiray dhuumasho.

Donald Santini oo 65 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu isticmaalay 13 magac oo been abuur ah si uu uga baxsado sharciga kadib markii uu sanadkii 1984-tii haweeney 33 jir aheyd ku dilay Florida.

Markii la xirayey waxaa ahaa madaxa guddiga biyaha ee degmo ku taal gobolka California. Waxaa gacanta ku haya booliska Florida si uu u wajaho cadaalada.

Waxaa loo heystaa dilka haweeney lagu magacaabi jiray Cynthia Wood oo markaas 33 jir ahayd taasoo ay kala tageen ninkeeda. Waxa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee iyada la kulmay 6 June 1984 ka hor inta aanay dembi baarayaashu helin maydkeeda la ceejiyay oo lagaga tagay kanaal biyo mareen ah.

Maamulka ayaa sheegay in uu ka baxsaday goobta kadib markii lagu eedeeyay dilka haweeneydaasi.

Santini ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay dil darajada koowaad ah ka hor inta aan loo gudbin xabsiga Hillsborough County ee Tampa, Florida horaantii todobaadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya dil dad badan ka naxeen oo ka dhacay Magaalada Baraawe

Cabdi Cade

Wiilka hooyadiis lagula taliyay inay iska soo xaaqdo uurkiisa ee hadda soo jiitay quluubta dad badan !

Cabdi Cade

Gudoomiyaha G/Banaadir oo kormeeray degaan ku yaalla duleedka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---