Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo sharci kasoo saareysa dadka deegaanadeeda ku dhax qaata Calanka Somalia

Maamul goboleedka Somaliland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday in lagu dhax qaato ama lagu arko Calanka Soomaaliya, waxaana maamulkaasi xir xiraa dadka sawirada ku gala Calanka Soomaaliya ama lagu dhax arko iyaga oo wata deegaanada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhawaan lasoo saari doono sharci cusub oo dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu dhax sito calanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Feysal Cali Waraabe in xeer cusub laga soo saarayo in calanka Soomaaliya lagu dhax qaato gudaha Somaliland, waxa uuna sheegay in dambi tahay in Calanka Soomaaliya lagu dhax arko deeegaanada maamulkooda ka taliyo.

“Sharci adag baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya” ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

Xabsiyada maamulka Somaliland waxaa ku xiran dhalinyaro lasoo qabtay iyaga oo xiran astaanta calanka Soomaaliya qaarkoodna sawirro kusoo galeen, waxa ayna Somaliland dagaal adag kula jirtaa in deegaanadeeda lagu dhax arko astaanta calanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad xiliga u kordhisay Maraakiib dagaal iyo ciidamo ka jooga xeebaha Somalia

Caydiid Ali

DEG DEG: Xasan Shiikh Max’uud oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo oo Muqdisho loo soo qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---