Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo saraakiisha ciidamada Kenya? (Sawirro)

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee uu wehliyo  Wasiirka Gaashaandhigga, xukumadda federalka Soomaaliya  Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay saraakiisha Kenya arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka Al shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland sida gobolada Jubbada Hoose,Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo.

Rooble ayaa booqasho uu ugu kuur-gelayay baahiyaha ciidanka ku tagey shalay taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan Al-Shabaab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -