Madaxweyne Biden: “Dantii aan ka laheyn dalka Afghanistan waan ka gaarnay”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in howlgalada Mareykanka ee dalka Afghanistan ay dhamaan doonaan 31 Ogoosto sanadkan.

Biden ayaa ayaa sidoo kale difaacay sida xowliga ah ee u socdo bixitaanka ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay in ciidamadu badbaadiyeen nafaf badan.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanku waqti hore uu ku guuleystay ujeedkiisii asalka ahaa ee duullaankii Afganistan ee sanadkii 2001, kaas oo ahaa in xididada loo siibo Al-Qaacida, lagana hortago weerar kale oo Mareykanka lagu qaado, kuwaas oo la mid ah kuwii Sept.11, 2001.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ka bixitaanka xoogagga Maraykanka ee Afghanistan uu yahay mid qorshaysan isla markaana hawlgalka militarigooda ay soo afjarayaan 13-ka agoosto.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in Maraykanku aanu cidlayn doonin Afghanistan asagoo intaas ku daray in uu gacan ka gaysan doono dadaallada loogu jiro in la gaaro heshiis nabadeed.

Hadalka Mr Biden ayaa imaanaya iyadoo kooxda mintidka ah ee Taliban ay sii wadaan inay gacanta ku dhigaan qaybo badan oo dalkaas ka mid ah.

Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -