Gobol ka tirsan Itoobiya oo qarka u saaran dalkaas intiisa kale inuu ka go’o

Dowlad deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed.

Abiy ayaa waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada taasoo lala xiriiriyey cudurka Coronavirus awgiis.

Ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taasoo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.

Hanjabaadda maamullka Tigray ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas.

Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa sheegay in dowladdu u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray.

Waxaa ka mid ah inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto gobolkaas si amarka dowladu uu uga shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -