Puntland oo taakuleyn ugu deeqday ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo ku wareejiyay Taakuleyn loogu talo galay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Galmudug ka wadaan degaanada Bacaadwayne iyo Wisil.

Munaasibadan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Agaasimaha Warfafinta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ay waajib tahay in loo midoobo.

“Anagoo ka wakiil ah Dowladda Puntland waxaa Taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin ku wareejinay Dowladda Galmudug oo uu wakiil ka yahay Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug, kuwaasoo aan uga qayb qaadanayno la Dagaalanka Argagixisa ee Deegaanada Wasil iyo Bacaadwayne, waxay bilow utahay Taakulooyin kuwaan ka sii waawayn oo aan aanu lagarab taaganahay waalalahayo Galmudug” ayuu yiri Gudoomiye Sanyare.

Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Puntland sida xilkasnimada leh ee ay daacada uga tahay la dagaalanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in talaabadan ay muujineyso sida labada maamul ay uga go’an tahay iney meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka argagaxisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -