Askari ka tirsan NISA oo dil u geystay nin hubeysan oo weerar ku soo qaaday

Askari katirsan ciidanka Nabad Sugida ee ka howlgala degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xalay dilay nin hubeesnaa oo damcay in uu dil u geesto kana qaato qoray nuuca AK-47 ah uu watay askariga.

Sida aan wararka ku helnay ninka hubeesan ayaa rasaas la dhacay askariga katirsan Nabad Sugida iyo nin shacab ah oo la socday, waxaana askariga oo rasaas lagu dhuftay ku dhacay dhulka, ninka hubeesan ayaana u qaatay in askariga dhintay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga oo dhaawac ahaa isaga oo jiifa uu rasaas madaxa uga dhuftay ninkii hubeesnaa ee dhaawacay, sidoo kale doonayay in uu qorayga ka qaato, waxaana goobtaasi ku dhintay ninkii weerarka geestay.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Baardheere ayaa sheegay in askariga dhaawacmay xaaladiisa lala tacaalayo, waxa ayna xuseen in ciidamada baarayaan ninka la dilay ee doonayay in askariga dilo kana qaato hubka uu watay.

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal ay geesteen kooxo hubeesan iyo sidoo kale askar katirsan ciidanka dowladda, waxaana dilka xalay ka dhacay magaaladaasi noqday mid bulshada si weyn u hadal hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -