Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdi Cali Raage oo shaaciyey cida amartay in laga soo celiyo Magaalada Kismaayo

La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha Somalia Cabdi Cali Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta maanta Kismaayo looga soo celiyey diyaaraddii uu la socday oo Muqdisho dib ugu soo laabatay.

Cabdi Cali Raage ayaa xusay in amar kasoo baxay madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland diyaaraddii uu la socday looga soo celiyey hawada magaalada Kismaayo.

Sababta loogu diiday inuu ka dago Kismaayo ayuu sheegay iney tahay kala duwanaashaha siyaasadeed ee u dhexeeya, isaga iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Kismaayo markii aan gaarnay ayaa duuliyihii dayuuradaha waxaa soo gaaray farriin lagu amrayo inuu dib u noqdo arrimo amniga la xiriira awgood. wuxuuna nala wadaagay farriintaasi ay soo gaartay, isagoo inoo sheegay uusan u bareeri karin inuu dego, ayna qasab tahay inuu dib ugu noqdo Muqdisho,”ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

Ujeedkiisa socdaalkiisa Kismaayo ayuu sheegay inuu ahaa ololihiisa doorashada, maadaama kursiga beeshiisa uu yaallo Jubbaland, isagoo intaasi raaciyey is’hortaaga lagu sameeyey uu qeyb ka yahay qorshaha lagu boobayo kuraasta taalla Jubbaland isagoo tilmaamay in qoyskiisu dagan yihiin Kismaayo, isla markaana uu markale dib ugu laaban doono magaalada.

Siyaasigan ayaa Farmaajo ka hor waqti badan la soo shaqeeyey Axmed Madoobe, inkastoo labadii sano ee u dambeysay ay si weyn iskaga soo horjeedeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal ah la qaatay Victoria Nuland iyo Samantha Power (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayraatka iyo Masiirka Somaliland yaa matala ? Dowlada Federaalka mise Maamulka Hargeysa ?

Cabdi Cade

Maqaamka iyo xuquuqda Muqdisho oo maanta laga tashaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---