Kooxdii dishay Madaxweyne Jovenel Moise oo qaarkood la dilay kuwa kalana la qabtay

Booliska dalka Haiti ayaa dilay afar “calooshood u shaqeystayaal” oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka madaxweyne Jovenel Moise, ayaga oo laba kalena xabsiga dhigay.

Booliska ma aysan shaacin xogta dadkan iyo sababta ay u weerareen guriga Moise ee magaalada caasimadda ah Port-au-Prince, halkaasi oo sidoo kalena ay ku dhaawaceen xaaskiisa, Arbacadii.

Madaxa booliska qaranka Haiti Leon Charles ayaa sheegay in weli ay baxsad yihiin xubno kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay.

“Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay, laba kalena waa lasoo qabtay oo gacanta ayaan ku haynaa. Saddex boolis oo na laga afduubtayna waa lasoo badbaadiyey,” ayuu yiri Charles.

Weerarka ayaa abaare 1:00 am ka dhacay guriga gaarka ah ee madaxweyne Moise.

Garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin.

Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday.

Ra’iisul Wasaare Joseph waxa uu sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Safiirka Haiti ee Washington Bocchit Edmond ayaa sidoo kale sheegay in dilayaasha ay ahaayeen “xirfadlayaal” calooshood u shaqeystayaal ah, oo iska dhigay wakiilada maamulka Mareykanka u qaabilsan ka hortagga daroogooyinka ee DEA.

Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay.

Source VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -