Taliska Ciidamada PSF oo labo garab u kala jabay iyo taliye sare oo taageeray Deni

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ay socdaan dedaalo lagu kala fur furayo saraakiisha ciidamada PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadistii lagu sameeyay taliyihii hore ee ciidankaasi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wararku sheegayaan in lacago iyo balan qaadyo u sameeyay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada PSF si ay uga soo baxaan aaga dagaalka lana soo saftaan dhinaca ciidamada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig oo ahaa Taliye ku xigeenka Guud ee Ciidanka PSF uu kasoo goostay dhinaca uu hogaaminayay taliyihii PSF ee xilka laga qaaday, waxa uuna taliyahan ku biiray ciidamada Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Deni.

Madaxtooyada Puntland oo ciidamo badan u dirtay magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale wada kala fur furka saraakiisha iyo ciidamada gadoodsan ee ku sugan qeybo kamid ah magaalada Boosaaso si cadaadis loo saaro taliyaha diiday in xilka ka dego.

Magaalada Boosaaso ayaa wali waxaa ka jirta cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan ciidamada PSF garabka uu hogaaminayo taliyihii xilka laga qaaday Jen Diyaano iyo ciidamada kale ee Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -