Kulanka xildhibaanada labada Aqal oo furmay iyo tirada joogta oo la shaaciyay (Sawirro)

Waxaa goordhaw xarunta KMG ee golaha Shacabka ka furmay kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaa oo maanta ah mid xasaasi ah si weyna loo wada sugayay.

Kulanka maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaanada labada Aqal ku meel mariyaan qodobo kamid ah dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo isbedel weyn lagu sameeyay, qodobadan ayaana ah kuwa qarash iyo waqti badan galisay madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka guddoominaya ayaa sheegaya in kulanka soo xaadireen 254-mudane oo isugu jira golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xildhibaanada ayaana sida la filayo ansixin doona wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka KMG, waxaana si weyn wax ka bedelkan uga soo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka ay ugu horreeyaan madaxdii hore ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -