Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo Mamnuucday in dalka la keeno alaabaha caruurta ku ciyaarto qaarkood (Digreeto)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka la keeno qaar kamid ah alaabaha caruurta ku ciyaaraan xiliyada ciida gaar ahaan biskooladaha, qoryaha, Bambooyinka iyo baaruuda .

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Digreetadan ku saxiixnaa ayaa ku war galiyay Ganacsatada Soomaaliyeed waxii xiligan ka dambeeya aan dalka la keeni karin alaabaha dhibaatada bulshada ku abuuri kara.

Ganacsaada ayaa Wasaarada waxa ay ugu baaqday in hada kadib dalka keenaan waxyaabaha caruurta ku ciyaaraan ee abuuri kara is dhax galka iyo ka shaqeynta Nabad galyada, balse aan loo baahneyn baaruud qaraxyada , biskoolado .

Magaalada Muqdisho waxaa la keenay baaruud sida xabad oo kale u dhaceysa taas oo bulshada badankeeda ay dhibaato ku qabaan, waxaa sidoo kale ganacsatada keentaa qalab u eg qoryaha nuucadooda kala duwan iyo biskoolado.

Halkan ka Akhriso Digreetada Wasaarada kasoo baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlayo Shidaalka Somalia oo ka dhacaya London iyo siyaasi ka shifay Qorshaha Shirkaasi !!

admin

Ma Ra’isul Xasan Cali Kheyre ayaa lagu badalayaa Ex Ra’isul Cali Maxamed Geedi?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw gaaray dalka Eritrea (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---