Allbanaadir.com
NEWS

Madaxwene Gaas oo Xilalkii ka qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha Sirdoonka iyo Nabad sugida

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka looga qaaday Agaasimayaashii Hay’adaha Nabad sugida iyo Sirdoonka maamulka Puntland.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Gaas

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

  1. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Warqadda Magacabista laguma cadayn masuuliyiin cusub oo xilka loo magacabay ,kaliya waxaa lagu qeexay xil ka qaadista labada masuul ee shaqada laga saaray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo Guddoomiyay kulanka Guddiga Joogta oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay duleedka magaalada Johannesburg

Cabdi Cade

Shaki laga qabo mar kale in uu Farmaajo abaabulo dagaal ka dhan Mucaaradka & Doorashooyinka bilowday !!

admin
Taboola Ads ---