Raisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland uu booqasho ku tagay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi ayaana garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhyaweeyay Ra’isul Wasaare Rooble iyo masuuliyiin kale ee la socotay.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada.

Rooble ayaa sidoo kale inta uu joogo magaalada Kismaayo dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowlada federaalka Soomaaliya ka higelineyso Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -