Ugaaska Beesha Xawaadle oo Caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska guud ee beesha Xawaadle.

Sida aan wararka ku helnay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay, lamana shaacin wali xanuunka sababay geeridiisa ,inkastoo soo baxayaan warar sheegaya in uu u geeriyooday cudurka Covid-19.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, waxaana Ugaaska geeridiisa ka tacsiyadeeyay masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxii warar ah ee kusoo kordha geerida Ugaaska kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -