Laftagareen oo furay shirka Golaha Wasiiradda dowlad Goboleedka Kaduna (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo booqasho ku jooga magaalada Abuja ee dalka Nigeria ayaa  furey shirka Gollaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Kaduna oo ka mid ah maamul goboleedyada federaalka dalkaas.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa la isku baray Madaxweyne Laftagareen, xubnaha la socday iyo golaha wasiirada maamul goboleedka Kaduna.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku dhaafsaday kulankaas fikrado iyo khibrada labada maamul ee la xiriirta hanaanka federaalka ee ay u shaqeeyaan dalalka Somalia iyo Nigeria.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Max’ed (Lafta-gareen) iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Magaalada Abuja ee dalka Nigeria ayaa casuumad ka helay Maamulka dowlad goboleedka Kaduna.

Casuumadan ayaa la xiriirta sidii labada Maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi la xiriira isdhaafsiga khibradaha maamul iyo waayo aragnimo, isla markaana u yeelan lahaayeen xiriir joogto ah” ayuu yiri masuul ka tirsan wafdiga Maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -