Haweeney Ganacsato ah oo dishay nin ay ku laheyd 20-Dollar & khasaaro dilkaasi kasoo gaaray

Haweeney ganacsato ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa toorey ku dishay nin ay sheegtay in ay ku laheyd lacag gaareysa 20-dollar oo deyn ah, waxa ayna dhacdadan gudaha Kenya ka abuurtay caro iyo hadal heyn badan.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ninka lagu lahaa lacagta deynta ah uu diiday in uu bixiyo, waxa ayna taasi keentay in haweeneydii ganacsatada aheyd in toorey ku weerarto una geeriyoodo dhaawac halis ah oo kasoo gaaray tooreyda.

Ciidamada booliiska Kenya ayaa xabsiga dhigay haweeneyda dishay ninka lacagta deynta ku laheyd, waxaana booliiska sheegeen in ay baarayaan sida falkan dilka u dhacay iyo waxa ku kalifay haweeneydan ganacsatada ah.

Dadka deegaanka dilku ka dhacay oo ka careesnaa falka dilka ah ayaa dab qabadsiiyay dukaanka haweeneyda dilka geesatay, waxa ayna dadku ku eedeeyeen mid naxariis daran oo lacagta ay ku dishay ninkaasi aan ku laheyn.

Dhacdadan dilka ah ee sababtay lacagta 20-ka Dollar ayaana aad looga hadal hayaa gudaha dalka Kenya, waxa ayna dad badan dalbadeen in ciqaab adag la marsiiyo haweeneydan ninka u dishay lacagta aadka u yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -