Wasiirad Khadiijo oo ficil halis ah ka sameysay garoonka Aadan cadde (Sawirro+Video)

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta mar ay ka soo laabatay dalka Turkiga waxay diiday in laga baaro cudurka Coronavirus.

Wasiiradda oo tagtay wadanka Turkiga oo raadka cudurkan Coronavirus laga helay ayaa si cad uga diiday shaqaalaha waaxda Caafimaadka Garoonka Aadan cadde inay baaraan.

Muuqaal laga duubay ayaa la arkayey wasiirada oo ka soo degaysa dayuurada Turkish Airlines, isla markaana ka diideysa shaqaalaha caafimaadka oo albaabka dayuurada horteeda joogay iney baaritaan ku sameeyaan.

Shaqaalaha caafimaadka mid ka mid ah ayaa isku dayay inuu celiyo wasiirada si uu u baaro balse wasiirada ayaa si bareer ah u hareer martay iyadoo isticmaaleysa awooda xilka ay heyso iyo xasaanada ay leedahay.

Shacab fara badan ayaa si caro leh uga falceliyey talaabada ay ku kacday wasiirada oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, waxayna dadku ku doodayaan in haddii ay timaado halis caafimaad ay sharci tahay in si isku mid ah loo baaro shacabka iyo masuuliyiinta, iyagoo ficilka wasiirada ku sifeeyey mid masuuliyad daro iyo kibir ay ka muuqdaan.

“Wasiiradu waxay halis gelisay bad-qabka iyo fayo dhowrka caafimaadka guud ee bulshada, iyadoo xil qaran huwan, sidaas awgeed waa in talaabo cad laga qaadaa, lana tusaa ineysan jirin cid sharciga ka sareysa” ayuu si caro leh u yiri Prof. Xasan Maalin oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Talaabada Wasiirad Khadiijo ayaa ku soo beegantay xili Cudurka Coronavirus laga helay wasiirka caafimaadka ee dalka Iiraan kadib markii baaritaan lagu sameeyay isagoo ka soo dagaya garoonka Tehran sidan oo kale.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRADA OO DIIDEYSA IN LA BAARO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -