Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo guddoomiye rasmi ah doortay (Sawirro)

Ka dib markii uu shalay soo dhamaaday tababarkii u socday Guddiyada Doorashooyinka Dalka ayaa guddiga Doorashooyinka Heer Federal ee 2020-2021 waxaa uu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga oo maanta ka dhacday Muqdisho

Mudane Maxamed Xasan Maxamed Ciro ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee 2020-2021.

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa 14 cod helay wareegii labaad ee doorashada loogu tartamayay gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayey uu helay 11 cod.

Sidoo kale, Doorashadii gudoomiye ku xigeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal waxa ku guulaystay Qareen Mawliid Mataan Salaad.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa si iska casilay xilkan maalmo ka hor, isagoo ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah oo qaban-qaabiyey doorashada uu mar kale ku soo baxay

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Musharaxiinta ay hoos ka taageerayeen Maxamed Xasan Cirro

Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsanaayeen doorashada oo aanay hal musharax isku raacsaneyn, waxaana dib u doorashada Ciro kaalinta ugu weyn ku lahaa Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Jubbaland oo shaacisay Guddiga Xulista Ergada 7 ka mid ah kuraasta taal Ceelwaaq

Caydiid Ali

Dab weyn oo caawa qabsaday garaash ku yaalla Muqdisho & khasaare ka dhashay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saalada Qaliinka Isbitaalka Demartiino oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---