Allbanaadir.com
NEWS

Saalada Qaliinka Isbitaalka Demartiino oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa xariga ka jaray Saalada qaliinka guud ee Isbitaalka Demartiino kadib dib u howlgalin, dayactir iyo qalabayn cusub oo lagu sameeyey saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ah ee Isbitaalka.

Saalada qaliinka ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib dab ka kacay aaladda suuxinta bishii March ee sanadkaan 2023 dabkaas oo khasaaro badan gaystay kuna bas beeleen dhamaan wixii agab iyo qalab yaalay qaybaha gubtay.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed , Isbitaalada iyo xarumaha gaarga loo leeyahay iyo kuwa danta guud sida ay ugu soo gurmadeen una garab istaageen isbitaalka iyo saalada qaliinka wuxuuna Wasiirka bogaadiyay gurmadka isku tashiga ee Soomaalinimo ee suurta galiyay soo celinya adeeg bixinta Caafimaad ee daruuriga u ah Bulshada iyo sii wadida shaqada muhiimka ah ee uu bulshada u haayo Isbitaalka Demartino.

Munaasabad kooban oo ay ka soo qaybgaleen agaasimayaasha Isbitaalada, Agaasimaha machadka Qaran ee Caafimaadka Xoghayaha golaha mihnadlayaasha Caafimaadka iyo gudoomiyaha Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed ayuu Wasiirka ku gudoonsiiyay shahaado sharaf xubnaha gudiga ahaa ee isku howlay gurmadka saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka deg degga ah ee Isbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu Mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka martiini shaqada adag ee ay u hayaan bulshadeena kuna bogaadiyay joogtaynta adeeg bixinta Caafimaadka kulana dardaarmay dardargelinta iyo tayeynta daryeelka Caafimaad ee uu Isbitaalka u fuliyo bulshada Soomaliyeed.

Related posts

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo Caawa War cad kasoo saartay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo Farmaajo Xasuusiyay Xilligii uu Mucaaradka Ahaa

admin
Taboola Ads ---