Jenaraal Subxaanyo oo geeriyooday iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo katirsanaa aaraakiishii hore ee ciidanka xooga Soomaaliyeed, waxaana la sheegay Janaraalka in uu xanuun u geeriyooday. 
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeeyey geerida kutimid General Cabdulqaadir Cali Diiriye , oo kamid ahaa saraakiisha kasoo jeeda deegaanada Galmudug.
 
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in Gen. Cabduqaadir Cali Diiriye  Subxaanyo uu ahaa sargaal  magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada reer Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.
 “Anigoo ku hadlaaya magaca Dowladda iyo shacabka Galmudug, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo janadul Firdowsa” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Janaraal Subxaanyo ayaa kamid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa sargaal magac u dhax lahaa ciidanka oo kasoo qeyb qaatay dib u dhiska ciidanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -