Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee caalamka oo xanibaad saaray Ruushka

Shirkadda Google waxay ka saartay adeeggeeda Google App ciwaannada shirkadaha warbaahinta Ruushka ee RT & Sputnik. Twitter, iyaguna waxay sheegeen inay qaadi doonaan tillaabooyin caankaasi ah.

Sidoo kale, Shirkadaha Visa & Mastercard ee adeegga bangiyada waxay ku dhawaaqeen inay xayiraad saari doonaan qaar ka mid ah hay’adaha lacagta Ruushka.

Shirkadda ExxonMobile waxay iyana ku dhawaaqday inay hakisay shidaal qodis ay ka waday Ruushka. Sidoo kale shirkadda shidaalka qodda ee Talyaaniga laga leeyahay ee Eni waxay ka baxday heshiis ay qayb ka aheyd oo dhuun shidaalka ka soo qaadaysay Ruushka oo keenaysay Turkiga, si la mid ah shirkadaha shidaalka ee BP & Shell ayaa iyaguna joojiyey hawlihii ay ka wadeen Ruushka.

Shirkadda Apple waxay joojisay adeegadii Ruushka, iyadoo barnaamijkeeda App Store laga saaray warbaahinta RT & Sputnik oo aan laga soo degsan Karin, si la mid ah barnaamijka lacag bixinta ee Apple Pay ayaa la xaddiday shaqadiisa Ruushka.

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Casho sharaf uu caawa Sameeyay Abiy Ahmed

Cabdi Cade

RW Rooble oo ka hor yimid heshiis uu galay Wasiirkiisa Batroolka & Macdanta

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo gudoomay dhambaal uu u soo diray dhigiisa Cabdulmajiid Tamuun (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---