Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqayaad kutaala Muqdisho

Waxaa galabta qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ka dhacay maqaayad kutaala magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa mar qura ka dhax dhacay maqaayad shaaha lagu cabo sidoo kale inta badan fadhiistaan raga jaadka cuna, waxaana maqaayadaasi isku qarxiyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan  ka dhacay maqaayada kutaala Isgooska Jubba, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray ciidamamada amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali faah faahin khasaaraha ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay maqaayada lagu shaaho, lamana oga wali tirada saxda ah dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ay fulinayaan dad jirkooda kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa mudooyinkan kusoo kordhay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira,

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -