Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweyne Ruto oo ka bilaabatay garoonka Kasarani (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka kubadda cagta ee Kasaraani ee kuyaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ka bilaabatay munaasabadda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Munaasabadda caleemo saarka waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50-kun oo qof oo isugu tagay garoonka, waxaa sidoo kale garoonka ku sugan madaxweynayaal kala duwan iyo masuuliyiin ka kala socoto waddamo kala gedisan oo munaasabadda lagu casuumay.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaarinayaa xilka Madaxweynaha dalka Kenya, waxa uuna xilka kala wareegayaa saaxiibkiis hore balse kala irdhoobeen Uhuru Kenyatta.

Ammaanka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana magaalada lasoo dhoobay ciidamo badan oo amniga adkeenaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -