Farmaajo oo la sheegay in Sabab layaab leh darteed saakay u amray in la xiro Wadooyinka

Waxaa saakay inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka qaar gaar ahaan kuwa gala Madaxtooyada Soomaaliya lasoo dhigay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid dagaal.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Farmaajo wadooyinka Muqdisho saakay u amray in loo xiro kulanka golaha shacabka sidii looga celin lahaa 15-Xildhibaan .

”Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen. Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin. Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa dhawaan ilaa 5-kulan ka mamnuucay in ay kasoo qeyb galaan 15-Xildhibaan oo mucaarad ah, Xildhibaanadan ayaana dhankooda ku goodiyay in ay tagi doonaan xarunta golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -