Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Somalia oo soo saaray digniin culus oo la xiriirta dabaaldega 1-da Luulyo

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamada dowlada ee ku sugan Muqdisho uga digay iney rasaas kaga qeyb qaataan dabaaldega caawa loo sameynayo xuska Munaasabada 1-da Luulyo.

Abdihamiid Abdullahi Fanax oo ah taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa sheegay in Munaasabada 1da Luulyo ay tahay mid qiimo badan ugu fadhisa ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la ilaaliyo Nabada iyo xasiloonida.

“Ummadda Soomaaliyeed ee u dabaaldegaysa Maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo waxaa mamnuuc ah in rasaas lagu argagixiyo dhexdooda laga rido taasoo geysan karta dhibaato, sidii dhacday munaasabadii 26-ka Juun ee habeeno ka hor dhacday rasaastii macno darada loo riday waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad shacab ah.

Abdihamiid Abdullahi Fanax ayaa sheegay in askarigii lagu helo inuu rasaas macno daro ah rido isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya dabaaldega 1-da Luulyo in talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Magaalada Muqdisho waxaa caado ka ah in marka la gaaro habeenada loo dabaaldegayo Munaasabadaha 26ka Juun iyo 1-da Luulyo cirka loo rido rasaas fara badan oo waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah taasoo ay furaan ciidamada kala duwan ee qeybaha magaalada ku sugan, iyadoo marar badana horey looga digay arrintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyeyaashii ugu sareeyey ee Milateriga & Sirdoonka Itoobiya oo xilka laga qaaday

Caydiid Ali

Kulan ka dhacay Muqdisho oo baaq Deg deg ah laga soo saaray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada Jigjiga iyo halka uu ku dambeeyey Cabdi Max’uud Cumar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---