Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Waxay ka wada hadleen hagaajinta, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Danjire Lucas Tumbo ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo celiyeen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Danjire Lucas Tumbo ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, halka danjiraha Somalia u fadhiyey Kenya Maxamuud Nuur Tarzan uu isna shaqadiisa dib uga bilaabay safaarada Somalia ee Nairobi.

Inkastoo xiriirkii diblomaasi ee Somalia iyo Kenya la soo celiyey hadda DF ayaa u muuqata iney  ka gaabsaneyso la macaamilka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Waaare Rooble oo mar kale Baaq u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade

Maraakiibta Dagaalka ee Ciidamada Turkiga oo looga digay in ay tagaan Xeebaha Somaliland 

Cabdi Cade

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Amniga Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---