Sakiin loogu magac daray Al Shabaab oo lasoo saaray iyo Booliis Baaritaan ku bilaabay

Sakiin Nuuca garka lagu xiirto ayaa loogu magac daray magaca kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Dalka Muzambik, waxa ayna arintan hada abuurtay hadal heyn badan oo ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Sakiinta iyo kooxdaasi.

Warbaahinta dalka Muzambik ayaa ku waramay in sakiintan oo markii hore lagu iibinayay suuqyo kuyaala gobolka ay ku xoogan yihiin kooxda Al Shabaab ee Cabo Delgado, balse hada u gudubtay suuqyo kale ay kamid yihiin kuwa kuyaala Caasimada Mabuto.

Sakiintan oo ilaa sanadkii hore laga isticmaalayay laguna iibinayay dukaamada dalkaasi Muzambik kuyaala ayaa hada hadal heyn badan abuurtay, waxaana sakiintan walaac xoogan ka muujiyay masuuliyiinta dowlada iyo taliska ciidamada booliiska.

Qoraal kasoo baxay madaxa ugu sareeya Booliiska dalka Muzambik Bernardino Rafael, ayaa lagu faray saraakiisha booliiska in ay baaritaan dheer ku sameeyaan in Sakiintan magaca Al Shabaab lagu qoray in ay tahay dacaayad kooxdaasi faafineyso.

Kooxda Al Shabaab ayaa dagaal xoogan kula jirta ciidamada Dowlada Muzambik, waxa ayna kooxdan weeraro ka geesataa tuulooyin iyo magaalooyin dalkaasi kuyaala, waxaana bilooyin kahor kooxdaasi qabsadeen magaalada Palma inkastoo markii dambe laga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -