Dowlada oo faah faahisay Sababta looga joojiyay Dhaqaalihii Beesha Caalamka ka heli jirtay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dhaqaalihii kabka maaliyadda ee dowlada ka heli jirtay Beesha Caalamka oo la jaray.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in beesha caalamka ka jartay dhaqaalihii kabka miisaaniyadda , waxa uuna xusay sababta ugu weyn ee loo hakiyay dhaqalaha la siin jiray Soomaaliya ay tahay gelitaanka doorashada dalka.

“Shuruucda u dhigan dhinacyada bixiya kaalmada kabka ah waxaa ka mid ah in laga eego xasiloonida si in aan loo adeegsan doorashooyinka iyo rabshadaha.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Beyle.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in mashaariicihii beesha caalamka ka fulin jiryay Soomaaliya wali sidoodii u socdaan, waxa uuna xusay in kaliya la jaray dhaqaalihii kabka miisaaniyada ayna filayaan in lasoo fasaxo marka doorashada dhamaato.

Beesha Caalamka ayaa jartay lacago badan ay ku kabi jirtay miisaaniyada dowlada Soomaaliya, waxaana beesha caalamka balan qaaday in dhaqaalahaasi lasoo fasixi doono marka Madaxweyne cusub la doorto lana qiimeeyo sida hoosha u socon karto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -