Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabhada TPLF oo shaacisay labo meelood oo ay dagaal ku qaadi doonaan

Jabhadda TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxay ku tilmaameen cadowga.

Getachew Reda Afhayeenka TPLF ayaa sheegay in ujeedka go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee la soo dhaafay.

Wuxuu intaas ku daray in la furayo marinnada gargaarka balse ay weli ku raad-joogaan ciidamada cadowga sida uu yiri

TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada federaalka ee ka baxsaday magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas, ayna si buuxda mar kale halkaas ugu gacan gashay TPLF

Ciidamada TPLF ayaa qabsaday shalay magaalada Mekelle, taasoo saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo talooyin ka dhegeystay RW ku-xigeenkii hore ee dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Diyaarad ku bur burtay dalka Kenya iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo ku dhintay

Cabdi Cade

Khilaafka Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo meeshii ugu xumeyd gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---