Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo talooyin ka dhegeystay RW ku-xigeenkii hore ee dalka (Sawirro)

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad Maamo Saynab Cabdi Macallin ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Mudane Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun) iyo Marwadiisa Maamo Laylo Maxamed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Cusmaan Kalluun ka dhagaystay tallooyin maangal ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed iyo mida amniga ee dalka.

Farmaajo ayaa dhankiisa kaga warramay halka uu dalku marayo iyo tallaabooyinka ilaa iyo haatan uu maamulkiisu qaaday si loo soo celiyo haybaddii qarannimada Soomaaliya.

Lama oga ujeedada laga lahaa kulankan balse agaasimaha madaxtooyada ayaa sheegay in Maamuuska masuuliyiintii hore ee dalka ay tahay milgo iyo sharaf uu qaranku meel sare ku gaari karo, Waa dhaqan buu yiri loo baahan yahay inaan ku xarriiqno baalasha taariikhda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidankii ku sugnaa Isgooska Siinay oo Xabsiga la dhigay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ciidanka Jubbaland oo fashiliyey qaraxyo ay diyaarisay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Waddo xiriirisa sadex degmo oo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---