Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay 18-nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab

Waxaa saakay fagaare kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland xukun dil ah lagula fuliyay 18-nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab kana dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ragan saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa maxkamada ciidamada maamulka Puntland ku heshay in ay katirsanaayeen Al Shabaab masuulna ka ahaayeen qaraxyo iyo dilal xiliyo kala duwan ka dhacay Gaalkacyo.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa saakay goobjoog ka ahaa fagaaraha lagu tooganayay xubnahan xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxaa sidoo kale goobtaasi ku sugnaa dadweyne kala duwan.

Raga saakay la toogtay waxaa kamid ahaa Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) oo caan ka ahaa Gaalkacyo , ragan xukunka lagu fuliyay ayaana qaarkood qirtay in ay fuliyeen dilal kala duwan.

Maamulka Puntland ayaa horey xukuno dil ah ugu fuliyay xubno katirsan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, hasa ahaatee tiradan maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa ah kuwii ugu badnaa ee hal maalin la toogto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -