Hirshabelle oo qaadacday Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho iyo Sababta keentay

Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa qaadacay shirka Wadatashiga Qaran ee lagu wado in maanta ka furmo magaalada Muqdisho, shirkan ayaana waxaa isugu imaanaya Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Hirshabelle ayaa lagu sheegay in aysan qeyb ka aheyn shirka ka furmaya Muqdisho, waxaana qoraalka Hirshabelle lagu cadeeyay in aysan wax talo ah ku laheyn shirkaasi ayna quseyn doonin waxii kasoo baxa shirkaasi.

”Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga furmaya Muqdisho, maamulka Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.
Madaxtooyada Hirshabelle Qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii la gaaray 17dii September iyo heshiiskii kale ee  27dii May  lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.
Go’aankan kasoo yeeray maamulka Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xili  Muqdisho wada joogaan madaxda dowlad goboleedyada dalka marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabelle, laman aoga in shirkan saameyn ku yeelan doono go’aanka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -