Al Shabaab oo weerar is qarxin iyo mid toos ah ku qaaday Xero ciidan iyo Khasaaro ka dhashay

Dagaalyahanop katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug gaar ahaan xero ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weerar is qarxin ah ku qaaday saldhiga ay ciidanka milatariga kaga sugnaayeen deegaanka Wisil, waxaana qaraxa kadib saldhigaasi weerar toos ah ku qaaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Saldhiga weerarka ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in dagaal culus ku dhax maray ciidamnadii halkaasi joogay iyo dagaalyahanadii weerarka ku qaaday, waxaana Al Shabaab baahiyeen in ay la wareegeen saldhiga kuyaala Wasil.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in weerarka ka dhacay deegaanka Wisil lagu dilay 34-askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug sidoo kale weerarkaasi Al Shabaab ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin weerarkan saakay ka dhacay deegaanka Wisil, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan faah faahin badan laga helo weerarka Wisil iyo khasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -